Andre Onana ayaa sheegay in fursada uu ugu biiri karo Manchester United ay ahayd ‘mid aan la hor istaagi karin’ isagoo isku diyaarinaya inuu 47 milyan oo euro ugu biiro Red Devils.
Erik ten Hag ayaa Onana ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad xilli uu suuqa ugu jiro badalka David De Gea kaa soo ka tagay kooxda.
Onana ayaa ku dhawaad 10 sano ku qaatay Ajax ka hor inta uuna xagaagii hore ku biirin kooxda Inter Milan oo la gaadhay final-ka champions League xilli ciyaareedkii hore.
“Muhiimadu waa in aan daacad u hadlo, oo mar walba dadka runta loo sheego,” ayuu u sheegay La Gazzetta dello Sport.
“Waxaan ahay qof mar walba doonaya tartan cusub”.
“Ka ciyaarista Premier League iyo koox sida Man United oo kale ah waa wax aan la iska dhaafi karin, Dhammaan dhinacyadu waxay rabeen in tani dhacdo”.
Sii Akhriso: In Ka Badan 30 Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Soo Afjray Magaalo Ku Taalla Somaliya.
Related