Alphonso Davies ayaa sheegay in madaxweynaha Barcelona uu diiday inuu u dhaqaaqo saxiixiisa sabab la xidhiidha in uu yahay xiddig u dhashay dalka Canada.
Xiddiga Bayern Munich ayaa muhiim ka ahaa kooxda tan ilaa markii uu kooxda Bundesliga kaga soo biiray Vancouver Whitecaps sanadkii 2019.
Qaab ciyaareedkiisa ayaa ahaa mid si weyn loo aqoonsaday isaga oo kooxda Bayern Munich kula guulaystay kobab badan oo uu ka mid yaahay champions League.
Laakiin Davies ayaa sheegay in ku biiristii Barcelona uu bur-buray sabab la xidhiidha dhalashada uu haysto.
Davies ayaa yiri: “Barcelona dhab ahaantii waa ay la soo xiriirtay laakiin madaxweynaha ayaa ii sheegay in uusan i rabin”.
“Waxa uu igu yidhi in uuna doonayn saxiixayga sabab la xidhiidha in aan haysto dhalasho dalka Canada ah, been kuuma sheegi karo arintaas waxa ay dhaawacday dareenkayga”.

Related



Source link