Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa lagu soo waramayaa in uu meesha ka saaray fikrada ah in uu isaga tago garoonka Anfield xilli lala xiriirinayo lacag qaali ah oo uu ugu wareegayo Saudi Arabia.
Goolhayaha reer Brazil ayaa macag ku samaysatay Liverpool waxana uu kooxda kula guulaystay 6 koob oo waaweyn 5 sano oo uu joogay kooxda.
Si kasta ha ahaatee Alisson ayaa xiiso ka helaya horyaalka sucuudiga iyada oo Kooxda Al-Nassr doonayso saxiixa xiddiga reer Brazil.
Saaxiibadii hore ee Alisson, Mane, Jordan Henderson, Fabinho iyo Firmino ayaa dhamaantood ku biiray horyaalka sucuudiga.
Sida laga soo xigtay Anfield Watch, Alisson ayaa ku faraxsan kooxda Liverpool wax xiiso ahna uma hayo in uu ku biiro kooxda Liverpool.
Alisson ayaa 103 kulan ilaashaday shabaqiisa 232 kulan oo uu u ciyaaray Liverpool waxana uu ku guulaystay laba abaalmarin oo Goolhayaha ugu fiican England ah.

Related



Source link