Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez ayaa tababare Mikel Arteta ka codsaday in uu ku soo laabto Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Wakiilka xiddiga ayaa haatanba la xidhiidhay Arsenal si uu xiddiga reer Chile ugu soo laabto kooxda suuqa xagaaga.
Xiddiga 34 jirka ah ayaa xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda Marseille waxana uu xor u yahay in uu isaga tago kooxda reer France suuqa xagaagan.
Sida laga soo xigtay wargeyska reer chile ee La Tercera ayaa sheegay in Sanchez wali doonayo in uu ka ciyaaro champions League waxana uu iska diiday dalab uga yimid kooxaha reer sucuudi.
Wararka ayaa sheegaya in wakiilka Sanchez si toos ah ula xidhiidhay Arteta una soo bandhigay in uu xiddigu doonayo ku laabashada Gunners xagaagan.
Laakiin Arteta ayaa iska diiday in uu xiddigu ku soo laabto kooxda maadama uuna ku soo baxayn qorshihiisa kooxda Arsenal.
Related