“Maxaa yeelay waa koox weyn,” Alexis Mac Allister ku jawaabay sababta uu ku doortay Liverpool.
“Tan iyo markii aan imid halkan, waxaan arki karaa sida ay kooxdani u weyn tahay – ciyaartoyda aan haysano, shaqaalaha, qof walba, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay oo waxaan rajeynayaa inaan u ciyaaro kooxdan”.
“Tan iyo markii aan ku guuleystay Koobka Adduunka, waxaan sheegay inaan doonayo inaan koobab badan ku guuleysto, waxaana qabaa in kooxdaan ay iga caawin doonto inaan sidaas sameeyo – taasi waa ujeedka, marka aad joogto koox weyn oo sidan oo kale ah waa inaad koobab ku guuleysato. Markaa, taasi waa waxa aan rabo”.
“Waxba igama galin, midka uu yahay laakiin xiddig kasta waxa uu doonayaa i uu ku guulayso champions League iyo premier League laakiin waxa aan ku dadaali doonaa in aan caawiyo kooxda oo aan isku dayi doono in aan ku guulaysto koob kasta”.
Mac Allister ayaa lala xiriiriyay kooxo kale oo dhowr ah oo ay ku jiraan Man United iyo Chelsea laakiin xiddiga ayaa iska diiday kooxaha kale isaga oo doortay ku biirista Liverpool.
24-sano jirkaan ayaa saxiixay heshiis shan sano ah waxana uu ka qayb ahaan doonaa kooxda Liverpool ee ka qayb qaadan doonta isku diyaarinta xili ciyaareedka cusub.

Related



Source link