Buulo Mareer (soomaalinews.com) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM) ee magaalada Buulo Mareer.

Weerarkan oo dhacay saacadihii hore ee saaka ayaa waxaa lagu waramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Kooxda ayaa saldhiga ku weeraray qaraxyo xiriir ah, sida ay VOA u sheegeen laba illo-wareed oo mid ka tirsan yahay laamaha amniga.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale laga soo xiganayaa in Al-Shabaab galeen saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer, iyada oo sidoo kale lagu arkay magaalada Buulo Mareer dhexdeeda.

Sidoo kale diyaarado ayaa la sheegay in hawada magaalada lagu arkay kadib weerarka. Illaa haddana ma cadda khasaaraha weerarkaan, inkasta oo lasoo warinayo in labada dhinac waxyeelo gaartey.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigga “cagta mariyeen,” sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin xilligan, mana soo bandhigin warbaahinta kooxda wax khasaare ah.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka.





Source link