Wargeyska Marca ee Spain ayaa daboolka ka qaaday xog ku aadan in Ashraf Hakimi si weyn looga doonayo horyaalka Ingiriiska
Man City ayaa si dhaw u baacsaneysa laacibkaas PSG oo ay u arkaan badelka Walker kaasi oo u dhaw in uu kooxda ka tago waliba aado Bayern Munich
Walker ayaan ku faraxsaneyn daqiiqadaha uu xilli ciyaareedkii soo dhamaaday uu ka helay macalin Pep kaasi oo xitaa keydka ku bilaabay kulankii finalka Champion-ka
Waxa uu wargeska Atlatic soo xiganaa in Walker u dhaw yahay in kooxda uu ka huleelo inta suuqa kala iibsiga u furan yahay
Wakiilo ka socda Man City ayaa haatan kulamo la leh wakiilka Hakimi oo ay ka dhaadhicinayaan in laacibka ogalaado in uu yimaado Man City
 

Related



Source link