Goolhayaha Kooxda Arsenal ee Aaron Ramsdale ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo tartanka uu kala kulmayo David Raya kadib markii ay Arsenal saxiixa Goolhayaha kala heshiisay Brentford.
Kadib markii bishii hore laga diiday dalabkii furintaanka ahaa ee ay Arsenal ka gudbisay saxiixa Raya, Arsenal ayaa haatan Brentford kala heshiisay saxiixa Goolhayaha.
Raya ayaa haatan tijaabada caafimaadka u mari doona Arsenal si uu taam ugu noqdo kulanka furitaanka Arsenal la ciyaari doonto Nottingham Forest Premier League.
Ramsdale ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Arsenal tan ilaa markii uu 2 sano ka hor Sheffiled kaga soo biiray Arsenal.
Goolhayaha 25 jirka ah ayaa sheegay in uuna ka wal-walsanayn in uu Raya ku soo biiro kooxda Arsenal.
Markii la waydiiyay baacsiga ay Arsenal ugu jirto saxiixa Goolhaye Raya ayuu yidhi”Ha yimaado”.
“Ma jirto wax si fudud ku yimaada kubada cagta sidoo kale waxa aad u baahantahay in aad dhaqaaqdo si aad ula qabsato”.
Related