Chelsea ayaa wali isku dayaysa in ay iska iibiso 6 ciyaartoy oo kale ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo xagaagii isbadalka weyni uu sii socday.
Ciyaartoyda sida Moises Caicedo, Nicolas Jackson, Christopher Nkunku, Axel Disasi, Robert Sanchez iyo Lesley Ugochukwu ayaa dhamaantood yimid Stamford Bridge, halka ay jiraan saxiixyo kale oo imaan doona.
Blues ayaa haatan kooxda Southampton kala heshiisay saxiixa xiddiga Romeo Lavia halka ay Blues sidoo kale bixin doonto lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga Crystal Palace ee Michael Olise.
Sidoo kale waxa jira xiddigo horay uga tagay kooxda chelsea intii uu furnaa suuqa xagaaga waxana ka mid ah Kai Havertz, Christian Pulisic, N’Golo Kante, Kalidou Koulibaly, Mateo Kovacic, Pierre-Emerick Aubameyang, Cesar Azpilicueta & Mason Mount.
Sida laga soo xigtay Evening Standard, Kooxda chelsea ayaa wali qorshaynaysa in ay iibiso ugu yaraan 6 xiddig oo kale.
Xiddigaha Conor Gallagher, Trevoh Chalobah, Ian Maatsen, Callum Hudson-Odoi, Romelu Lukaku & Hakim Ziyech ayaa la filayaa in ay isaga tagaan kooxda suuqa xagaagan.

Related



Source link