Rasmus Hojlund, Sergio Reguilon iyo Jonny Evans ayaa la safray kooxda Manchester United kulanka Premier League ee ay Axada la ciyaarayaan Arsenal.
Hojlund ayaa United ugu soo biiray heshiis 72 milyan isaga oo kaga soo biiray kooxda Atalanta laakiin waxa uu seegay bilowgii xilli ciyaareedka Man United sababo la xiriira dhaawac dhabarka ah.
Xiddiga 20 jirka ah ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ee Man United waxana uu ciyaari doonaa kulanka Arsenal.
Reguilon oo sidoo kale Man United kaga soo biiray Tottenham maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga ayaa ku jira Liiska xiddigaha u safray London.
Evans ayaa ah xiddig kale oo ay kooxdu la soo saxiixatay waxana uu ku jiraa Liiska xiddigaha Man United ee ka hor tagaya Arsenal.

Related



Source link