Cadaadiska ayaa ku sii kordhaya Erik ten Hag iyada oo dhibaatooyin ku soo bexeen garoonka dibadiisa iyo gudihiisa.
Manchester United ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkeeda 2023/2024 iyadoo laga badiyay afar guuldaro lixdii kulan ee furitaanka.
Qolka Labiska Man United ayaan ku jirin xaalad fiican iyada oo xiddiga Jadon Sancho laga saaray kooxda kadib khilaaf uu la galay Erk Ten Hag.
Sidoo kale xiddiga Antony ayaa laga saaray Liiska kooxda kadib markii lagu soo eedeeyay in uu jidh dil kula kacay gacalisadiisii hore.
Erik Ten Hag ayaa haatan wajahaya cadaadis waxana laga sugayaa in uu xaliyo natiijo xumada kooxda Man United ee xilli ciyaareedkan
Man United waxa ka maqan xiddigo muhiim ah kuwaas oo kala ah  Mason Mount, Sofyan Amrabat & Rafael Varane kuwaas oo haatan ku soo laabanaya tababarka.
Mount iyo Varane ayaa la filayaa in ay soo laabtaan kulanka Burnley ee Axada halka xiddig kale ay wali maqnaan doonaan.
Ten Hag ayaa u baahan xiddigaha dhaawaca uga maqan kuwaas oo xalin kara dhibaatada kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedka

Related



Source link