Muqdisho (soomaalinews.com) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta  shaacisay in xubnihii ugu badnaa ee kasoo goostay kooxda Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada Xoogga dalkka Soomaaliyeed, isla-markaana lasoo dhaweeyay.

Agaasimaha Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtayMuqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay haatan kordheen tirada xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda.

Cabdulllaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay July iyo August ay isa soo dhiibeen illaa 107 xubnood oo isugu jiro horjoogayaal iyo dagaalamayaal intaba.

“Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ah waxay bulshada Soomaaliyeed ku wargelineysaa inay isku soo dhiibeen bilihii July iyo August isa soo dhiibayaal gaaraya 107 xubnood oo horay uga tirsanaa kooxaha Khawaarijta, kana tanaasulay kamid ahaanshihii kooxdaas ” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xubnahaas ay ku jiraan carruur la askareeyay, dhalinyaro ka barbar dagaalameysay kooxda iyo horjoogayaal sar sare, sida uu hadalka u dhigay.

Xubnahan ayuu tilmaamay inay iska soo dhiibeen meelo kala duwan oo ka mid ah dowlad goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus.

“Xubnaha isa soo dhiibay waxay iska soo dhiibeen deegaanada kala ah dowlad goboleedka HirShabelle, dowlad goboleedka Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed” ayuu mar kale yiri agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan.

Waxaa kale oo uu yiri “Dhammaan dadka isa soo dhiibay waxay mari doonaan habraaca uu qorayo xeerka isa soo dhiibayaasha ee kasoo baxay fikradaha xagjirka ah”.

Agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in haatan ay sii kordhayaan tirada xubnaha soo goosanaya, isaga oo farriin u diray xubnaha kale ee weli u dagaalamaya kooxda, wuxuuna ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan cafiska.

“Waxaa muuqata in bilihii lasoo dhaafay uu aad u kordhay Numberka isa soo dhiibayaasha, weliba heerarka sar sare oo aan ula jeedo horjoogayaasha kooxda” ayuu yiri gabagabadii.





Source link