Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa premier League.
Liverpool ayaa si khal-khal leh dhinaca difaaca iyada oo Bournemouth ka faa’iidaysanaysay arintaas kuna qaadayay Liverpool weeraro aan kala joogsi lahayn.
Bournemouth ayaa daqiiqadii 1-aadba dhalisay gool kadib khalad ka dhex dhacay daafaca Arsenal iyo Goolhye Alisson laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.
Dhibaatada Liverpool ee dhinaca daafaca ayaan hlkaas ku joogsan Bournemouth ayaana sii waday cadaadiska ay ku haysay kooxda Liverpool.
Daqiiqadii 3-aad ayay Bournemouth dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Antoine Semenyo kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Liverpool ayaa bilowday in ay is dajiso iyaga oo ciyaarta hogaankeeda qabtay xilli ay Bournemouth gashay daafaca si ay goolka u ilaashadaan.
Daqiiqadii 27-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Luiz Diaz kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Liverpool ayaa sii waday raadinta goolal ay ciyaarta hogaanka ugu qabnayaan xilli ay Bournemouth dhinaceeda raadinayso lama filaano kale.
Liverpool ayaa daqiiqadii 36-aad loo dhigay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Mohamed Salah kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/1 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta qaybteeda hore oo ay Liverpool ka soo laabatay bilaabasho xun oo ay ku bilaabatay ciyaarta.
Qaybtii dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta wax kaga badalaan.
Daqiiqadii 58-aad ayaa Liverpool kaadhka cas ee tooska ah looga taagay xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister kadib khalad uu galay.
Daqiiqadii 62-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad ee ay ciyaarta ku dishay waxnaa u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo hogaanka u dheereeryay kooxdiisa.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul soo laabasho leh ka gaadhay kulan ay 10 xiddig ku ciyaartay qaybtii dambe ee ciyaarta.

Related



Source link