Kooxda Liverpool ayaa la filayaa in ay mashquul ku ahaato suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo Klopp doonayo in uu xoojiyo khadka dhexe iyo waliba daafaciisa.
Wax shaki ah kama jiro in ay Liverpool u baahantahay xoojin suuqa xagaaga marka la eego dhibaatadii iyo fashilkii xilli ciyaareedka kaas oo sababay in ay seegaan champions League.
Sidoo kale bixitaanka xiddigaha Roberto Firmino, James Milner, Naby Keita & Alex Oxlade-Chamberlain aya keenaysa boosas banaan oo uu klopp u baahnaan doono in uu buuxiyo.
Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee laga yaabo ama ay u badatahay in ay ku biiraan kooxda Liverpool.
1.Alexis Mac Allister (Brighton):
Waa xiddiga haatan la rumaysanyahay in uu qarka u saaranyahay in uu ku biiro Liverpool iyada oo kooxdu inta badan shaqada heshiiska qabatay todobaadyadii la soo dhaafay.
Xiddiga 24 jirka ah ayaa noqon kara saxiixa ugu horeeya ee Liverpool iyada oo ay haatan jiraan warar sheegaya in aabaha xiddiga ku sugan yahay Liverpool si loogu dhawaaqo heshiiska.
2.Mason Mount (Chelsea):
Waa xiddig kale oo lala xidhidhinayay Liverpool todobaadyadii ugu dambee, Mount ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda chelsea markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo xilli uu galayo sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa.
Liverpool ayaa xiiso wakhti dheer ah u haysay xiddiga waxana ay heshay dhiiri galin ah in uu xiddigu haatan diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda waxana ay isku dayi doontaa in ay la soo saxiixato.
3.Ryan Gravenberch (Bayern Munich):
Xiddigan ayaa sidoo kale ah xiddig si weyn loola xidhiidhinayay Liverpool waana xiddig ku dhibaatoonaya kooxda Bayern Munich.
Xiddiga 21 jirka ah ayaa doonaya in uu isaga tago Bayern waxana ay Liverpool u muujisay xiddigo todobaadyadii la soo dhaafay.
4.Matheus Nunes (Wolves):
Xiddigan ayaa ah mid lala xidhiidhinayay Liveprool ilaa xagaagii hore ka hor intii uuna ku biirin Wolves, waxana xitaa jira warar sheegaya in ay Liverpool xiddiga kula heshiisay in uu U dhaqaaqo Anfield kadib xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya ee Premier League.
Matheus Nunes ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay England waxana laga yaabaa in uu Klopp markan u dhaqaaqo si uu ugu xoojiyo khadkiisa dhexe.
5.Jurrien Timber (Ajax)
6.Romeo Lavia (Southampton)
7.Teun Koopmeiners (Atalanta)
8.Khephren Thuram (Nice)
9.Jacob Ramsey (Aston Villa)
10.Nicolo Barella (Inter)
Related