Suuqa kala iibsiga ayaa ah mid wareersan sanadihii ugu dambeeyay iyada oo koox walba xiddigeheeda dul dhigayso qiimo aan macquul ahayn.
Kooxaha ayaa dhinacooda ku qasban in ay lacag waali ah ka bixiyaan xiddigaha ay doonayaan si ay u helaan saxiixooda.
suuqa xagaagan waxa jira xiddigo badan oo baanka loo jabiyay iyada oo ay kooxuhu doonayeen saxiixooda in ay ku helaan wax walba oo dhaca.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 10-ka saxiix ee ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga.
Neymar – PSG – (198 Milyan)
Saxiixii Neymar ugu biiray PSG ayaa la odhan karaa waa saxiix ayna cidna jabin karin marka la eego lacagta laga bixiyay.
Kylian Mbappe – PSG – (163 Milyan)
Waxa laga yaabaa in uuna ahayn saxiixa ugu qaalisan laakiin shaki la’aan waa da’yarka ugu qaalisan taariikha suuqa.
Philippe Coutinho – Barcelona – (142 Milyan)
Waa xiddiga sida weyn u fashilmay ee ku jira Liiskan iyada oo Barcelona ka bixisay lacag waali ah laakiin si fiican uma ciyaarin.
Ousmane Dembele – Barcelona – (135.5 Milyan)
Heshiiskan ayaa halka hore laga bixiyay wax ka yar 100 milyan laakiin lacagaha gunooyinka ah ayaa aad u badnaa.
Moises Caicedo – Chelsea – (114 milyan)
Xiddiga reer Ecuador ayaa la odhan karaa waa saxiixa ugu qaalisan ee la sameeyay suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii uu ku biiray chelsea.
Jude Bellingham – Real Madrid – (114 milyan)
Waa mid ka mid ah xiddigaha ugu qaalisan ee u dhashay dalka England waxana uu Lacag waali ah ugu biiray Los Blancos.
Joao Felix – Atletico Madrid – (112.9 Milyan)
Xiddiga da’yarka ah ee reer Portugal ayaa lacag waali ah ugu biiray Atletico Madrid kadib markii uu ka tagay Benfica
Antoine Griezmann – Barcelona – (107 Milyan)
Xiddiga reer France ayaa laga bixiyay lacag aad u badan si looga iibiyo kooxda ay Atletico Madrid xafiiltamaan ee Barcelona.
Enzo Fernandez – Chelsea – (106.8)
Wakhtigaas Fernandes ayaa ahaa saxiixa ugu qaalisan premier League laakiin taas ayaa is badashay haatanba.
Decland Rice – Arsenal – (105 milyan):
Gunners ayaa baanka u jabisay Rice si ay u keento xiddiga North London si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka.

Related



Source link