Kooxda Liverpool ayaa baanka u jabisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo kaas oo ay kala heshiisay kooxda Brighton.
Liverpool ayaa saqdii dhexe ee xalay Brighton miiska u saartay lacag dhan 110 milyan oo euro si ay uga dhigto saxiixii 3-aad ee suuqa xagaaga.
Kooxda Klopp ayaa markii hore diiday in ay 50  milyan ka bixiso xiddiga Romeo Lavia laakiin waxa ay ugu dambayntii xiddiga Moises Caicedo ka dhigtay saxiixeeda ugu qaalisan.
Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa 10-ka saxiix ee ugu qaalisan taariikhda Liverpool:
1.Moises Caicedo – 110m (From Brighton, 2023):
Xiddiga reer Ecuador ayaa noqdanaya saxiixa ugu qaalisan taariikhda Liverpool hadii ay Liverpool dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe saacadaha soo socda.
Reds ayaa xiddiga Moises Caicedo ka bixinaysa lacag dhan 110 milyan oo euro kadib markii ay Brighton kala heshiisay saxiixa xiddiga.
2.Darwin Nunez – £85.6m (from Benfica, 2022):
Nunez ayaa noqday saxiixa ugu qaalisan Liverpool xagaagii hore markii ay Liverpool Benfica miisa u saartay lacag dhan 75 milyan oo halka hore ah iyo 25 milyan oo gunooyin ah.
Xiddiga reer Urugauy ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed isku dhaf ah isaga oo aan wali soo bandhigin wixii laga filayay laakiin muujiyay wax yar oo tayadiisa ah.
3.Virgil van Dijk – £76.2m (from Southampton, 2018):
Van Dijk ayaa la odhan karaa waa saxiix ugu fiicnaa ee ugu qaalisanaa ee ay samayso Liverpool taariikhda dhaw iyada oo uu xiddigu si weyn u badalay kooxda Liverpool kana dhigay koox u tartanta koobabka kala duwan.
4.Dominik Szoboszlai – £60m (from RB Leipzig, 2023)
Xiddiga reer Hungary ayaa noqonaya saxiixii 4-aad ee ugu qaalisan taariikhda Liverpool kadib markii ay Liverpool heshiis 5 sano ah ka saxiixatay xiddiga isla markaas ku xoojisay khadka dhexe xagaagan.
5.Alisson – £56.3m (from Roma, 2018):
Alisson ayaa la odhan karaa waxa qabtay wax ka fiican dhamaan goolhayayaashii ka horeeyay taariikhda kooxda waxana uu kooxda ka dhigay koox cajiib ah isaga oo kooxda ka caawiyay in ay ku guulaysato koobab badan.
6.Naby Keita – £54m (from RB Leipzig, 2018)
7.Cody Gakpo – £50m (from PSV, 2023)
8.Luis Diaz – £50m (from Porto, 2022)
9.Christian Benteke – £41.8m (from Aston Villa, 2015)
10.Fabinho – £40.5m (from Monaco, 2018)

Related



Source link