Kooxda Man City ayaa ku guulaystay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Josko Gvardiol Oo ay kala soo wareegtay kooxda RB Leipzig.
Man City ayaa xiddiga ka soo bixisay lacag dhan 77.6 milyan euro waxana ay ka saxiixatay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Etihad ku ciyaarta.
Shabakada Sky Sport ayaa sheegtay in uuna Gvaradiol ahayn daafaca ugu qaalisan suuqa kala iibsiga maadama uu Harry Maguire wali yahay daafaca ugu qaalisan.
hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 10-ka daafac ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.
Harry Maguire (Leicester City -> Man United) 80 Milyan
Josko Gvardiol (RB Leipzig -> Man City) 77.6 milyan
Virgil Van Dijk (Southampton -> Liverpool) 75 milyan
Wesley Fofana (Leicester City -> Chelsea) 70 milyan
Lucas Hernandez ( Atletico Madrid -> Bayern Munich) 68 milyan
Matthijs de Ligt (Ajax -> Juventus) 65 milyan
Ruben Diaz (Man City) 65 milyan
Matthijs de Ligt (Juventus -> Bayern) 62 milyan
Achraf Hakimi (Inter -> PSG) 60 Milyan
Joao Cancelo (Juventus -> Man City) 60 Milyan

Related



Source link