Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaana gaaray Gobalka Galgaduud ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wado qorshe maamul loogu dhisayo Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya loona baahan yahay in lataageero.
Mahad Salaad ayaa sheegay in Dowladda ay qorshaheeda uu yahay dhisida maamul KMG ah oo muddo lix bilood ah shaqeyndoona islamarkaana laga hirgeliyinayo Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in xog ay kasoo aruursheen shacabka Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya ay ku ogaadeen baahida iyo diyaar garowga ay ugu jiraan in loo dhiso maamul KMG ah sidoo kalena maamulada iminka ka jira Gobaladaasi ay kala soo hadleen dhisida maamulka KMG ah ee Dowladda diyaarna ay u yihiin.
Xildhibaanka aayaa sheegay inay dhawaan gaari doonaan masuliyiin kasocda Dowlada Soomaaliya islamarkaana ay maamul KMG ku dhawaaqi doonaansida uu sheegay Mahad Salaad.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH