Thursday, April 17th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Xarakada Alshabaab oo guulo ka sheegtay dagaalo ay la galeen..

Published on February 21, 2013 by   ·   No Comments

Abu-MuscabDagaalyahanada Xarakada  Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay Gobalka Sh/hoose oo ay  la galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka howlgalada Xarakada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab dagaalka ka dhacay deegaanka Janaale ee Gobalka Sh/hoose inay dagaalkaasi ku gacan sareeyeen.

Wuxuu sheegay in weerar culus ay ka geesteen afaafka laga soo galo Magaalada iyo sidoo kale xarunta Janaale halkaasi oo ay weerar culus ku ekeeyeen sida uu sheegay Afhayeenku.

Sheekh Abuu Muscab ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay weerar kale ku qaadeen xero ciidan oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM oo Janaale ku taal halkaasi oo uu tilmaamay in khasaaro badan uu ka dhashay.

Sidoo kale Afhayeenka dhanka howlgalada Ciidamada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ka dileen askar gaaraya ilaa dhowr iyo labaatan halka sida uu sheegay dhankoodana ay ka geeriyoodeen saddex askari.

Dagaalka ka dhacay Janaale ayaan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ka sokoow guulaha ay labada dhinac kala sheeganayaan.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind