Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa dalka Ugandha kula kulmay dhigiisa dalkaasi oo ay ka wada hadleen arrimaha labada dal, iyadoo lagu wado in uu la kulmo Wasiirka Gaashaandhiga Kenya.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay inay ka wada hadleen Arrimo la xiriira wasaaradaha Gaashaandhiga labada dal iyo sidii Ciidamada dowladda Federaalka Tababarada loogu sameeyo dalkaasi loogu soo wareejin lahaa gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay inuu magaalada Neyroobi kula kulmi doono saacadaha soo socda Wasiirka Gaashaandhiga Kenya ka dib markii uu ka soo laabtay Dalka Ugandha halkaasoo uu kullamo kula soo qaatay madaxda dalkaasi iyo waliba madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Wuxuu sheegay wasiirka arrimihii ay ka wada hadleen Wasiirka Gaashaandhiga Ugandha ay ku dhammaadeen sidii la rabay isagoo cadeeyey inay isla garteen mas’uuliyiinta Ugandha oo uu la kulmay in tababarka Ciidamada dowladda Soomaaliya lagu siin jiray dalkaasi loosoo badalo gudaha Soomaaliya taasina waxa uu xusay inay ka aqbaleen sida uu tilmaamay wasiirka.
Ma ahan markii ugu horaysay wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya kullamo noocaan ah la qaato madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH