Siyaasi Yuusuf Garaad oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay
warkii.com 10 Aug 12, 13:28

DAAWO SAWIRO:-Magaalada Muqdisho waxaa siweyn loogu soo dhaweeyay maanta Madaxii hore ee Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da Yuusuf Garaad Cumar oo kasoo soo dagay Garooonka Aadan Cadde.







Dad aad ubadan oo Wata Boorarka Yuusuf Garaad ayaa ka soo galbiyay Siyaasiga Garoonka Diyaaradaha waxaana Bar bar socday Soo dhawayntiisa Gawaari iyo Mootooyin ay ku dhag sanaayeen Sawiradiisa.



Dadkii Soo dhaweeyay Yuusuf  Garaad waxaa kamid ahaa Jen.Yuusuf  Maxamad  Siyaad Indhacade oo horay usoo Noqday Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliy iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Muqdisho.



Yuusuf Garaad Cumar oo Warbaahinta kula hadlay Gudaha Garoonka ayaa waxaa uu ka gaabsaday inuu yahay Musharax utaagan Doorashada Madaxwayne ee Dalka kadhacaysa Toban Maalmood kadib.



Wuxuu Sheegay Yuusuf garaad inuu yahay Shaqsi doonaya inuu kaqayb qaato Siyaasada Dalkiisa kajirta oo uu doonaya inta kaharsan Nolashiisa inuu kaqayb qaato Dib udhiska Dalka.



Lakiin Yuusuf Garaad ayaa Hadalka uu Warbaahinta uu siiyay maanta waxaa kamid ahaa In maalmaha Soo aadan uu ku dhawaaqi doono Qorshahiisa Siyaasada Dalka.

Halkaan ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698