Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamad Cali Gaas ayaa Bayaan uu soo kaga hadlay arrimo dhowr ah, isagoo sheegay in Xukuumadda ay xil weyn iska saartay sugida Amaanka xiliga lagu guda jiro doorashooyinka, isagoo tilmaamay in Ciidamada Qalabka sida ay diyaar u yihiin xaqiijinta amaanka goobaha doorashooyinka Magaalada Muqdisho.
C/weli Maxamad Cali Gaas ayaa sheegay in lagu jiro xili adag oo loo baahan yahay in laga gudbo xiliga KMG lana helo Dowladd Soomaaliyeed oo aan KMG ahayn, isagoo sheegay in Xukuumadda KMG Soomaaliya ay xil weyn iska saartay Xasilinta amaanka Magaalada iyo goobaha doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaare Gaas Bayaanka uu soo saaray Caawa waxa uu kaga digay in la isku dayo In la carqaladeeyo howlaha Doorashooyinka iyo Dowladdnimada, isagoo rajo ka muujiyey haddii taasi la helo in Dadka Soomaaliyeed si siman u tartami karaan.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Gaas waxa uu meesha ka saaray in faragelin ay ku hayaan guddiga Farsamada soo xulista Baarlamanak Cusub iyo howlaha Saxiixayaasha Road Map-ka. Ugu danbeyntii Magaalada Muqdisho waxaa ka socda u diyaar garowga Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya taasoo guud ahaan siyaasiyiinta Soomaalida mashquul fara badan ka dhigay si ay ugu diyaar garoobaan 20-ka Agoosto oo maalmo kooban ka haray.
Halkaan ka Daawo