Gudoomiyaha Barlamaanka KMG Shariif Xasan oo sheegay inuu musharax u yahay
warkii.com 20 Jul 12, 09:41

Shariif xasan Shekh Aadan oo ah Gudoomiyaha Barlamaanka KMG ee Soomaaliya oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu sheegay inuu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya marka lagaaro Bisha Augost ee socoto.
 
Gudoomiyaha barlamaanka ayaa waxaa uu tilmaamay inuu rajeynayo inuu kusoo baxo xilka madaxtinimada Soomaaliya isagoona sheegay in xiliga uu shaacinayo mushraxnimada xilkada madaxtinimada magaalada Muqdisho uu ku qabanayo munaasad uu kusoo bandhigayo wax qabadkiisii.


Shariifkan Barlamaanka oo hada shaaca ka qaaday inuu marka lagaaro wakhtiga Dowlada KMG wakhtigeeda dhamaanaya uu isku soo taagayo xilka Madaxtinimada ayaa waxaa uu ka mid ahaa xubnihii Dowlada KMG ee Soomaaliya ee lagu eedayay iney lacago lun sadeen.
 
Mar uu ka hadlay eedeynta lacag lunsashada ah ayaa waxaa uu sheegay in warka kasoo baxay kooxda Baarista sameysay been ay soo dhoo-dhobeen sida uu hadalka u dhigay,isagoo sheegay in muhiimadooda ay tahay buu yiri kooxda baarista sameysay iney sumcad dilaan madaxda Dowlada KMG.

Halkaan ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698