Xildhibaan Maxamed Cunar Xaashi waa in la baaraa dilkii agaasime ku xegeenka
warkii.com 20 Jul 12, 09:38

Mudane ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay Hay’adaha ammaanka iyo Booliska Dowladda inay baaritaanno ku sameeyaan Kooxo shalay Muqdisho ku dilay Agaasime ku xiggeenkii Wasaaradda Maaliyadda ee DKMG ah.
 
Xilli shalay gallinkii dambe kooxo hubaysan ay ku dileen Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir Agaasime ku xiggeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa dilkaasi cambaareeyay Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya.
 
Xildhibaan Max’ed Cumar Xaashi oo ka mid ah barlamanka KMG Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta mogdisho ayaa waxa uu sheegay in ugu horeyn uu tasci u darayo Ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Macalin Xuseen oo ahaa Agaasime ku xiggeenkii Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda KMG Soomaaliya
Max’ed Cumar Xaashi ayaa waxaa uu ugu baaqay Hay’adaha iyo Ciidamada Booliska inay baaritaanno ku sameeyeen kooxihii ka dambeeyay dilkaasi, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in gacanta lagu soo dhigo Kooxahaasi.
 
“Alla ha u naxariisto, waan u tacsiyadeynayaa ehelladii uu ka geeriyooday Agaasime ku xiggeenka, Hay’adaha amniga waxaa looga baahan yahay inay baaritaaanno ku sameeyaan dadkii ka dambeeyay dilkaasi” sidaasi waxa yiri Xildhibaan Max’ed Cumar Xaashi.
 
Muqdisho waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo gaysto dadka waxgalka u ah bulshada, iyadoo mararka qaar sidoo kale ay ka dhacaan qaraxyo loo maleego Madax ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya.
Halkaan ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698