Raisul wasaare Mila Zanawi oo Yurub ka helaya dawayn wanaagsan
warkii.com 20 Jul 12, 09:41

Xisbiga Raisul wasaraha dalka Itoobiya Males Zanawi ee (TPLF) ayaa sheegay in Raisul wasare Males Zenawi lagu dawaynayo mid ka mid ah wadamada Yurub islamarkaasina uu wajibaadkiisa si caadi ah u gudan doono oo uu dalka dib ugu soo laaban doono maalmo gudahood.

Sebhat Negga ayaa sheegay in caafimaadka Raisul wasaraha uu wanaagsanyahay , iyadoo Raisul wasaare Males Zenawi aan lagu arkin labadii todobaad ee lasoo dhaafay fagaaraha.


Website mucaaradka Itoobiya ay leeyihiin ayaa waxaa lagu daabacay sida la sheegayo warar aan xaqiiqo ahayn oo ku saabsan in Railsulwasaraha uu maskaxda ka qabo cudurka Cansarka.


Lakiin Negga ayaa sheegay in mucaaradka dalka Itoobia ay isku dayayaan in xaalada caafimaad ee Raisulwasaaraha Zanawi buunbuuninayaan.


Mr Negga ayaa beeniyay warar sida uu sheegay ay shaaciyeen warbaahinta Yurub oo ku aadan in Raisulwasare Males Zanawi uu ku jiro Cusbital ku yaala magaaalda Brussels ee dalka Bulgiam xaaladiisuna ay halis tahay.

Halkaan ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698