Ra iisul Wasaaraha Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey 1-da Luulyo.
warkii.com 30 Jun 12, 15:01

Ra iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamad Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabada Sanad guuradii 52-aad ee ka soo wareegtay markii ay gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ka xoroobeen Gumeystihii Talyaaniga, ayna midoobeen labada Gobo lee Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya.


 Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan Dunida u rajeeyey inay sanadkan kiisa xiga ku gaaraan guul iyo barwaaqo.


 Ugu danbeyntii dalka Soomaaliya guud ahaantiisa waliba dalka dibadiisa waxaa ka socda dabaal dega 52-guurada ka soo wareegtay 1-da Luulyo.

Halkaan ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698