Madaxwayne ku xigeenka dalka kenya oo xaqiijiyay in amaanka dalka uu yahay mid sugan
warkii.com 30 Jun 12, 10:51

Madaxwayne Ku xigeenka Dalka kenya  Kalonzo Musyoka ayaa u xaqiijiyay Dadka Kenyaanka ah iyo Dalxiisayaasha Dalka soo booqanayaba in amaanka guud ee wadanka uu yahay mid sugan la iskuna haleen karo.

Mr Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in dawlada ay qaatay tilaabooyin hormar leh oo dhanka amaanka ah islamarkaana siwayn loo qalabeeyay laamaha amaanka wadanka si looga hortago waxwalbaa oo la xiriira weeraro argagixiso.


Madaxwayne Ku xigeenka Dalka oo booqasho ku maraayay Gobolka Xeebta ayaa ugu baaqay dadwaynaha in ay ka qayb qaataan sugida amaanka lana shaqeeyaan laamaha amaanka wadanka.


Mr Kalonzo Musyoka ayaa fariin culus u diray Kooxaha Xag jirka ah oo uu sheegay inaysan marnaba cabsi galin karin shacabka kenyaanka ah.


Todobaadkii Hore ayay safaarada maraykanka ee dalkani Kenya oo ku taala magaalada tan nairobi waxa ay digniin ka bixisay weeraro argagixiso oo dalka ka dhici kara gaar ahaan magaalada Mombasa.

Halkaan ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698