Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maalinimadii shalay ka qeyb galay isku soo bax lagu taageeraya wadahadaladii dhexmay Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo ayaa ka hadlay rajada laga filan karo wadahadaladaasi.
Tarsan waxa uu sheegay in dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin inay wada hadlaan Soomaalida iyo maamulka Somaliland oo Waqooyi ah, balse waxa uu tilmaamay inaan marnaba midnimada Dalka Soomaaliyeed aysan ku jirin wax Gorgortan ah.
“ Somaliland wax gorgortan ah ma galin karto Midnimada Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo boqolaal dadweyne bannaanbaxayaal ah la hadlay, wuxuuna intaasi ku daray Tarsan “Waxaan rajo ka qabnaa inay soo laabato midnimadii, xooggii iyo wadajirkii dalkan uu lahaan jiray”. Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxa uu sheegay in magaalada ay martigalindoonto Shirka Ansixinta Dastuurka Dalka, isagoo tilmaamay in dhaqaale laga sugo Beesha Caalamka shirkaasi u baaqan doonin qabsoomidiisa.
“Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed waxa uu u diyaar garoobay martigalinta shirka Ansixinta Dastuurka dalka, marnaba uma hakan doono dhaqaale laga sugayo Beesha Caalamka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Tarsan Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho.
Halkaan ka Daawo