Yuweri Musaveni oo sheegay in ciidamadiisa kala bixi doonin Wadanka Soomaaliya..
warkii.com 30 Jun 12, 07:58

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali {Gaas} ayaa shalay galab la kulmay Madaxweynaha dalka Yugandha Uweri Museveni, waxayna labada mas’uul ka wadahadleen arrrimo dhowr ah oo quseeya labada dal ee Soomaaliya iyo Yugandha, gaar ahaan ciidamada Yugandha ee ku sugan Soomaaliya.

Ra’isul wasaare Gaas ayaa ugu horeyn Madaxweynaha Yugandha uga ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo guulihii ugu dambeeyey ee ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada ammaanka, siyaasadda, dib u dhiska iyo hirgelinta Road-Map-ka, wuxuuna ka codsanay inYugandha ay ciidamo kale u soo dirto Soomaaliya si ay dalka oo dhan ay gacnata ugu wada dhigaan, meesha uga saaraan Xarakada Al-shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Yugandha oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisu ay garab taagantahay dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray inu diyaar u yahay fulinta dalab kasta oo uga yimaada dowladda KMG oo uu sheegay inuu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo soo jireen ah.

“Diyaar ayaan u nahay inaan ciidamo kale oo dheeraad ah u dirno Soomaaliya si ay gacanta ugu wada-dhigaan dalka Soomaaliya oo dhan, ciidamo badan ayaa horay nooga joogay Muqdisho, haatanna diyaar ayaan u nahay inaan sii kordhin oo aan kuwo kale geyno, Soomaaliya kama bixi doonno illaa iyo inta ay cagaheeda isku taageyso, isla markaasna aan ka gaareyno ujeedadii aan markii hore u tagnay oo ah in la helo dowlad Soomaaliyeed oo awood u leh hanashada ammaanka iyo kala dambeynta” ayuu yiri Madaxweynaha Yugandha oo intaasi ku daray in askartiisa ay naftooda u hurayaan dib u soo celinta xasiloonii ka jiri jitay Soomaaliya berismaadkii.

Halkaan ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698