Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG iyo Xarakada Alshabaab oo xalay ka dhacay degmada Balcad.
warkii.com 30 Jun 12, 05:47

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Alshabaab oo dhinac ah ayaa xalay ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, halkaasoo dhawaan ay la wareegeen Ciidanka Huwanta ah.

Dagaalka ayaa bilowday sida ay dadka deegaanka sheegeen weerar culus oo ay soo qaadeen Ciidamada Xarakada Alshabaab ee degmada isaga baxay saacadihii la soo dhaafay, waxayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud.

Lama oga qasaaraha dhimasho iyo mida dhaawac ee kala gaaray dhinacyadii xalay dagaalamay iyo dadka shacabka ah, waana markii ugu horaysay dagaal Duleedka degmada Balcad ku dhexmaro Ciidamada AMISOM, kuwa Dowladda KMG oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada alshabaab.

Ugu danbeyntii ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Xarakada alshabaab si ay uga hadlaan dagaaladii xalay dhinacyadaasi dhexmaray.

Halkaan ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698