Xukuumadda KMG oo sheegtay inay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan Xarakada Alshabaab.
warkii.com 30 Jun 12, 05:33

Wasiiru Dowladdaha Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamuud Macalin Nuur ayaa sheegay inay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan Xarakada Alshabaab.

Maxamuud Macalin Nuur waxa uu sheegay inay guulo waa wayn soo hoyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya dagaaladii ugu dambeeyey oo ay la galeen Xarakada Alshabaab, lana wareegay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya oo is garabsanaya ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey la wareegay gacan ku heynta degmooyinka Afgooye Sh/hoose iyo Balcad Sh/dhexe, halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen Xarakada Alshabaab.

Ugu danbeyntii Xarakada Alshabaab ayaa tilmaamay degmo waliba iyo gobol walba oo lagala wareegay inaysan waxba u dhimi doonin dagaalada ay kala soo horjeedaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.
Halkaan ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698