Qarax loo adeegsaday Miino nooca meelaha fog laga hago ayaa xalay lagu weeraray Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada AMISOM xili ay marayeen Isgoyska SOS Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen qarax aad u xoogan iyo Uuro madow kaasoo lala eegtay mid ka mid ah gaadiidka Towga Ciidamada AMISOM oo halkaasi marayay, waxaana goobta ku gubtay garigaasi qaraxa lala ekeeyey.
Waxaa la sheegay qaraxaasi inay ka dhasheen qasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac gaaray Ciidamada AMISOM, balse lama oga qasaaraha inta uu la egyahay.
Qaraxa ayaa saamayn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka Isgoyska SOS iyo Xaafadaha Suuqa Xoolaha, in kastoo markii dambe dib loo furay wadooyinkaasi.
Dhanka Saraakiisha Ciidamada AMISOM wax war ah kama soo bixin oo qaraaxaasi ku saabsan, mana ahan markii ugu horaysay oo qarax lagula eegto caasimada Magaalada Muqdisho.
Halkaan ka Daawo