Maamulka Degmada Huriwaa oo ugu baaqay dadka ku nool Warshadii Gowraca inay baneeyaan.
warkii.com 30 Jun 12, 04:47

Maamulka Degmada Huriwaa ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka Barakacayaasha ah ee dagan Warshadii Gowraca ee degmadaasi inay baneeyaan kana baxaan.

Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Cabdule Cumar Jacfaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay sababta dadkaasi looga bixinayo Warshadii Gowraca ay ahay amar ka timid madaxda dowladda, islamarkaana dhismahaasi uu yahay mid dowladdeed.

Cumar Jacfaan waxa uu amray dadkaasi inay isaga guuraan dhismahaasi, kana deydeydaan goobo kale oo ay ku noolaadaan maadaama dhulka uu yahay mid dowladdeed.

Ugu danbeyntii maalintii shalay ayay ahayd markii dadka ku nool Degmada Huriwaa ay cabasho ka muujiyeen amar ka soo baxay maamulka degmadaasi oo ku aadan inay ka baxaan Dhulka Warshadii Gowraca.
Halkaan ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698