Xaalada Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa saakay degan inkastoo Magaalada xalay ay ka dhaceen qaraxyo xoogan
warkii.com 23 Mar 12, 09:34

Xaalada Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa saakay degan inkastoo Magaalada xalay ay ka dhaceen qaraxyo xoogan. Ilaa Afar qarax ayaa lala eegtay Saldhiga Magaalada oo ay kusugan yihiin Ciidamada Dowlada KMG iyo kuwa Itoobiya ay kusugan yihiin ee Gudaha Magaalada.


Qaraxyadaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada Dowlada KMG sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.


“Qaraxa waxaa uu ahaa miinooyin lagu tuuray xarunta saldhiga qaarkoodna waa yaaleen oo Remuut ayaa lagu hagayay’ayuu sheegay qof degan meel aan ka dheereyn Magaalada oo sidoo kale sheegay in ilaa Shan kamid ah Ciidamada Dowlada ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay qaraxa.


Saraakiisha Ciidamada Dowlada KMG ayaa sheegay in qaraxyadaas ay ahaayeen kuwa fashil ku dhamaadayy.


“Ma jirin wax qasaaro ah oo haba yaraatee ka dhashay qaraxyadan waxaana ay ahaayeen kuw fulaynimo ah, kaliya hal askari ayaa dhintay”ayuu sheegay Maxamed Ibrahim Madow oo kamid ah Saraakiisha Dowlada ee Bakool


Sidoo kale Sarkaalkan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sii wadidada dagaalada kadhanka ah AlShabaab ayna gaari doonaan deegaanada kale ee Bay iyo Bakool.


Ciidamada isgarabsanaya ee Itoobiya iyo kuwa Dowlada KMG ayaa shalay si nabadgalyo ah kula wareegay Magaalada Xudur oo kamid ah Magaalooyinka muhiimka ah ee Bay iyo Bakool.

Halkaan ka Daawo

 
©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698