Alshabaab iyo Dowladda KMG oo guulo kala duwan ka sheegtay dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho.
warkii.com 11 Mar 10, 11:42

Afhayeenka alshabaab Sheekh Cali dheere oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu guulo ka sheegay inay ka gaareen dagaaladii maanta Ciidamada Dowladda KMG iyo AMISOM la galeen.


Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay gubeen Taangi ay lahaayeen Ciidamada AMISOM oo qeyb ka ahaa dagaaladii maanta ka dhacay degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis ee W/qooyiga Magaalada Muqdisho.


Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali dheere ayaa shegay dowladda KMG inay ku fashileen qorshe dagaal oo ay maanta ka lahayd dagaaladii ay soo qaadeen Dowladda KMG iyo AMISOM.


Dhanka Dowladda KMG waxa uu hadlay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowladda KMG sheekh Yuusuf Indha Cadde isagana waxa uu shegay inay guulo ka gaareen dagaaladii maanta ka dhacay Muqdisho.


Indha cadde ayaa sheegay inay la wareegeen goobo hor leh oo horay dowladda KMG u joogin, lana wareegeen fariisimo badan.


Ugu danbeyntii guulaha labada dhinac kala sheegteen ma jirto ilo labada dhinac ka madax banaan oo xaqiijinaya guulaha ay ka sheegteen dagaaladii maanta oo ay ku dhinteen dad rayid ah.

  Halkaan Daawo

 

www.warkii.com