AMISOM oo sheegtay inay ka qeyb qaadanayso dagaalada Dowladda KMG la galayso kooxaha ka soo horjeeda.
warkii.com 11 Mar 10, 08:07

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika Barigiye Bahoku ayaa sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan dagaalada dowladda KMG la galayso kooxaha ka soo horjeeda si 16-ka degmo Gobolka banaadir dowladda ula wareegto.


Barigiye Bahoku in kastoo sheegin waqtiga kama danbeysta ah duulaankaasi ka qeyb qaadanayaan ayaa haddana sheegay dagaalada ugu horeeyey inay ka bilaabi doonaan degmooyinka C/casiis iyo Kaaraan oo shalay iyo maanta dagaalo ka socdaan.


Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa beeniyey dagaaladii shalay iyo kuwa saaka ka socda W/qooyiga Muqdisho ciidamadoda qeyb ka yihiin, laakiin qiray inay ka qeyb qaadan doonaan duulaamo uu sheegay dowladda KMG abaabulkeeda inay wado.


"Ciidankeenu dagaalada socda qeyb kama ahan, haddii si toos ah ciidamadeenu u gali lahaayeen dagaalada kooxaha mucaaradka 16-ka degmo Muqdisho kuma sii nagaadeen" ayuu yiri Afhayeenka ciidamada AMISOM Barigiye Bahoku.


Ugu dabeyntii dagaalada saaka ka socada muqdisho iyo kuwa shalay dhacay waxaan shaki ku jirin inay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada AMISOM.

  Halkaan Daawo

 

www.warkii.com