SN:Ciidamada Midowga afrika ee ku sugan madaxtooyada dowlada KMG ah Villa Soomaaliya ayaa madaafiic ku garaacaya magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha ay dagaaladu ka socdaan ee waqooyiga magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee halkaas ku sugan ay madaafiicda ka dhacda BM ka ku garaacayaan xaafadaha dagaaladu ka socdaan iyo kuwa ka baxsan sida ay sheegayaan dadka ku dhow Villa Soomaaliya.
dhawaqa Madaafiicda ayaa si weyn looga maqlayaa magaalada Muqdisho oo dhan waxaana lagu waramay in laga dareemayo Ciidamada Midowga afrika dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan daqiiqadihii ugu danbeeyay.
wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan ka soo gudbin doonaa
Xafiiska Wararka Soomaalinews Muqdisho
Halkaan Daawo