Deganaan saaka ka jirta goobihii shalay ay dagaaladu ka dheceen ee magaalada Muqdisho.
warkii.com 11 Mar 10, 05:08

SN:Wararka saaka ka imaanaya xaafadaha waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka daganaansho ay ka jirto xaafadihii shalay ay ka dheceen dagaaladii lagu hoobtay waxaana jira in xaalada saaka ay tahay mid aad u xasiloon in kasta oo saacad walba dagaal la filan karo.


Degmooyinka Cabdi Casiis Kaaraan shibis iyo Yaaqshiid oo ahaa goobihii shalay ay saameynta ugu badan ku yeesheen dagaaladii qaraaraa ee ka dhacay halkaas ayaa saaka waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto xasilooni mana jiraan wax dagaalo ah oo halkaas ka jira.


Dadkii yaraa ee xaafadahaas ku haray ayaa qoorkood saaka halkaas isaga baxaya ka dib markii ay u adkeysan waayeen madaafiicda sida roobkii halkaas loogu garaacay oo geystay khasaaraha lixaadka leh waxa ayna sheegayaan in xiligan ka dib aysan ku sii noolaan karin.


shalay ayay ahayd markii dagaalo aad u kulul ay ku dhexmareen xoogaga ka soo horjeeda Dowlada KMG ah iyo Ciidanka dowlada oo ay la safan yihiin ciidamada Midowga afrika ee Nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho ee AMISOM waxaana dagaalkaas ku nafwaayay dad badan oo shacab ah.


Xafiiska Wararka Soomaalinews Muqdisho

  Halkaan Daawo

 

www.warkii.com