Guddoomiyaha Baarlamanka Sh. Aadan Madoobe oo ku baaqay in lagu taageero dhisida Gurigii Ummada.
warkii.com 08 Feb 10, 13:43

Guddoomiyaha Baarlamanka Sh. Aadan Max'ed Nuur Aadan Madoobe oo shir jar'aaid ku qabtay caasimada magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in laga taageero dhisida Gurigii hore Ummada ee Magaalada Muqdisho.


Aadan Madoobe ayaa ka dalbaday Hay'adaha Samafalka, Beesha caalamka iyo dalalka sida gaarka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya inay kala qeyb qaataan sidii dib u dhis loogu samayn lahaa Gurigii hore ummada si fadhiyada Baarlamanka loogu qabto.


Guddoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay baarlamanka inay caqabado badan kala kulmeen dhowr xarumood oo si KMG ah ugu shaqeynayeen, lana kulmaan weeraro madaafiic ah oo dhanka xoogaga hubaysan uga yimaada.


Ugu dabeyn Muddo 20-sano ka badan wax dayac tir ah ma helin gurigii hore Ummada kuna shiri jireen Baarlamanka soomaaliya.

  Halkaan Daawo

 

www.warkii.com