Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed wada dega Deegaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose oo ka dhacay gobolkaasi.
warkii.com 08 Feb 10, 07:06

Dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed wada dega Deegaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose ayaa ka dhacay Degaan 30 KM dhinaca waqooyi ka xigta degmada Wanlaweyn ee Gobolka sh/hoose.


Maleeshiyo beeleedkan oo ku muransan dhul Beereed ayaa dagaalkooda waxa uu noqday mid soo noq noqoshadiisu badato, waxaana dagaal dhex maray labadaasi maleeshiyo ku dhintay laba qof oo ka kala tirsanaa labada maleeshiyo Beeleed.


Maleeshiyaadkan oo maalmo sii horaysay ku dagaalameen deegaanada dagaalada ku dhex mareen ayaa waxaa ku baxeen Maamulka Al-shabaab Degmada Wanlaweyn, laakiin dagaaladan mar kale ka dhex bilowdeen beelahaasi.


Maamulka Al-shabaab Degmada Wanlaweyn ayaa ku baxay saaka xalinta dagaal beeleedkan soo noqday una dhaxeeya Beelaha wada dega Deegaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose.

  Halkaan Daawo

 

www.warkii.com