Dowladda KMG oo Cambaareysay Maamulka Cusub Ururka xizbul Islaam u magacaabay Gobolka Hiiraan.
warkii.com 08 Feb 10, 05:08

Afhayeenka Ciidamada Dowladda KMG Gobolka Hiiraan Maxamad Nuur Dabaashe oo ka hadlay maamulka Cusub shalay Gobolka Hiiraan u dhiseen Ururka xizbul Islaam ayaa ka soo horjeestay magacaabista maamulkaasi.


Maxamad Nuur Dabaashe ayaa Cambaareeyey isla markaana sheegay maamulka Cusub ay u dhiseen Ururka xizbul Islaam Gobolka Hiiraan in uu yahay mid u gaar ah ururkaasi.


Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Dowladda KMG Gobolka Hiiraan Maxamad Nuur Dabaashe ayaa sheegay xoogaga Al-shabaab iyo Xizbul Islaam inay awood uga saari doonaan Gobolka Hiiraan, dadka shacabka ahna maamulka Dowladda KMG lagu dhaqi doono.


Ugu danbeyn shacabka Gobolka Hiiraan ayuu ugu baaqay inay dowladda KMG duulaan ku soo qaadayso Magaalada B/weyne, meeshana ka saari doonaan maamulada islaamiga ee hadda ka jira.



 

  Halkaan Daawo

 

www.warkii.com