Daawo Video:-wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tiro gantaalo ah manta lagu tuuray ciidanka Nabad ilaalinta ee AMISOM kuwaas oo iyana jawaabo kul kulul ka bixiyay.
Saraakiisha gaadiidka mucaawinada ah ee ambalaasta ah ayaa xaqiijiyay ilaa 10-qof oo rayidah kuwaas oo hal goob uu ku soo dhacay Madfac weyn oo ka yimid dhanka AMISOM.
duqeynta dhinaca waqooyi ee Magaalada muqdisho ayaa waxa ku geeriyooday ilaa 2-qof ka gadaal markii mucaardka ay gantaalo ku rideen fariisimaha ciidamada dowlada iyo kuwa midowga afrika.
ugu danbayntiina xaalada dhinaca waqooyi ayaa ahayd mid xasiloon laakiin waxa loo aaneynayaa in ay ka danbeyso duqeyntaasi ciidamo cusub oo lageeyay afaafka dagaalka iyo duqeynta lagu weeraray ciidamada isgarabsanaya.
Halkaan Daawo