Xildhibaan Xuseen Xaaji Maxamad Gaagaale oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka dowladda KMG ee Soomaaliya kana soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa qaadacay Degmo Cusub shalay Ururka Al-shabaab ku soo kordhiyeen Gobolka Hiiraan.
Xildhibaanka ayaa sheegay Tuulada Ceel Cali oo ka mid ah Hiiraan oo shalay Al-shabaab Degmo ahaan ugu magacaabeen ayaa sheegay inay ka hortagi doonaan arrintaasi duulaana kula wareegi doonaan Gobolka Hiiraan.
Kullan shalay ka dhacay Tuulada Ceelgaal oo ay yeesheen waxgaradka tuuladaasi iyo ururka Al-shabaab ayay isla garteen in Tuuladaasi laga dhigo degmo, waxaase ka horyimid oo qaadacay Dowladda KMG ee Soomaaliya.
Ugu danbeyn Xildhibaan Xuseen Xaaji Maxamad Gaagaale ayaa sheegay dulaan kale oo iskaashi ah Magaalada B/weyne ku qaadayaan dowladda KMG iyo Ahlusunna Waljameeca, waxayna ku soo beegmayaa xili horay looga soo saaray Magaaladaasi Dowladda KMG iyo Ahlusunna Waljameeca.
Halkaan Daawo