Markab lagu magacaabo Ethiopian Shiping Lines (ESL) ayaa si dirqi ah looga bad baaday qorshe kooxo burcad Badeed soomaali ah ku qafaalan lahaayeen Markabkaasi oo marayay Meel aan sidaa uga dheerayn Biyaha Soomaaliya.
Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida weerarkooda waxya u adegsadeen laba doonyood oo nooca dheereeya ah waxayna kaabiga u saarmeen in ay qafaashaan markabkaasi kadib markii mid ka mid ah Doonyahaasi ku siqay markabka kuna riday rasaas culus oo cabsi gelisay Kabtanka markabkaasi iyo shaqaalihii saarnaa.
Shaqaala ahaa u qeylo dhaamiyeen Ciidamada Badda maraykanka oo ku sugnaayeen meel aan ka fogayn halka ay isku heysteen kooxaha Burcad Badeeda iyo Markabka Shirkada Itoobiyaanka ah leedahay, diyaarado helecoptaro ah oo gurmad deg deg ah ayaana soo gaaray markabkaasi oo bad baadiyey, isla markaana fashiyey qorshihii Afduubka Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.
Markabka maraykanka oo kaashanayay diyaradaha dagaalka ayaa ku guuleystay inuu kooxaha burcad Badeeda bursado kana reebo baacashadii ay ku hayeen Markabka ay leedahay Shirkada itoobiyaanka.
Ugu danbeyntii Ciidamada Badda maraykanka ayaa marar badan fashiliyey falal kooxaha burcad Badeeda Soomaalida ku qafaalan lahaayeen maraakiibta Shisheeye ee marta Biyaha Soomaaliya iyo kan caalamiga ah.
Halkaan Daawo