Ciidamada Magaalada Laascaanood oo xabsiga dhigay dad kor u dhaafaya 60-qof iyo Xiisad laga dareemayo Magaaladaasi.
warkii.com 07 Feb 10, 07:00

Dad badan oo samaynayay mudaaharaad ayaa la dhigay xabsiga Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana la sheegay in mudaahadaadkaasi ka dhashay kadib markii Ciidamada laascaanood xir xireen macalimiin dugsi Qur'aan oo lagu heysto inay ku lug leeyihiin Falalka amaandarida ah sida Qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaaladaasi.


Ciidamada ayaa u taxaabay dadkaasi Saldhiga Degmada Caynaba ee Gobolka Togdheer waxaana loo sii dhaadhicinayaa Burco si loo maxkamadeedyo dadkaasi oo lagu eedeynayo inay shalay banaanbaxyo rabshado wata ka dhigeen Magaalada laascaanood ee Gobolka sool.


Intii ay socdeen Mudaaharaadkaasi Ciidamada waxay gaari ay watteen ku dileen wiil yar oo Arday ah, kaasoo qeyb ka ahaa dadkii ka caraysnaa xariga loo geystay macalimiinta Dugsiyada Qur'aan wax ka dhigta qaarkood oo la xir xiray.


Xiisad cabsi ayaa laga dareemayaa saakay Magaalada Laascaanood, in kastoo ciidamada wadooyinka roondo ka samaynayaan si ay uga hortagaan haddii ay dhacaan dibad baxyo la mid ah kuwii shalay ka dhacay Magaaladaasi.

  Halkaan Daawo

 

www.warkii.com