Askar ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa baaritaano ka wadaan Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo labisan darees isku mid ah ayaa waxay amrayaan gaadiidka BL-ka iyo kuwa Raaxada inay istaagaan, kadibna baaritaano daba iyo dacal kula dhaqaaqayaan, baaritaanadaasina waxaa dareen cabsi gelisay dadka rabaaka iyo wadayaasha gaadiidka BL-ka wadadaasi.
Talisyada Ciidamada Dowladda KMG kama hadlin howlgalada baaritaanada ah Ciidamada Dowladda KMG saaka ka wadaan Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.
ugu danbeyntii howlgaladan ayaa imaanaya dowladda KMG oo magaalada muqdisho ku soo daadisay ciidamo cusub oo tababar leh, ciidamadaasi oo la dhigay meelo badan oo ka mid ah Caasimada Magaalada Muqdisho.
Halkaan Daawo