Sida ay xaqiijiyeen wariyaal ka tirsan Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho, waxa dib xoriyadiisa u helay wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim oo shan maalmood ka hor lagu xiray magaalada Muqdisho.
Wariyaha ayaa loo heestay wareysi uu la yeeshay haweeney la kufsaday, taasoo xittaa aan la daabicin ama idaacad aan laga baahin.
Wariyaha ayaa intii uu xirnaa ku xanuunsday xabsiga, waxana pooliska ay u diiddeen in qoyskiisa iyo asxaabtii ka socotay Radio Dalsan ay booqdaan wariyaha.
Illaa hadda lama sheegin sababaha lagu soo daayay wariye Cabdi Casiis Koronto, waxana xarigiisa cambaareeyay hey’addo badan oo u doodda xuquuqda saxaafadda iyo bini’aadinimada oo ay ka mid tahay HRW.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH
waryayaasha muqdisho ma ahan xarfadlayaal saxaafada markaad araftid sida eey wax u tabiyaan waxaaaba isleedahay waxaa ku badan isku dirka dadka shacabka dowlada iyo diinta munafaad baxad leh ayaa arkesaa