Madaxda Sare ee DJFS oo Hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed.
Soomaalinews.com 26 Oct 12, 10:02

Munaasabada ciida carafo awgeed ayaa madaxda ugu sareysa Dowlada federaalka Soomaliya waxa ay shacabka Soomliyeed meel waliba oo ay joogaan ku bogaadiyeen munaasabada ciida iyagoo u rajeeyey in sanadkan kan xiga ay ku gaarana nabad iyo caafimaad.

Pro: Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Dalka oo kahadlay munaasabada ciida ayaa marka hore shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey farxada ciida isagoo dhinaca kalana ugu baaqay in ay iscafiyaan kana shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka si loo gaaro nabad galyo buuxda.


Gudoomiyaha baarlamanka Dowlada Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo kuhadlayey afka Golaha Baarlamanka Soomaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyey munaasabada ciida waxaana uu kulatakiyey bulshada Soomaliyeed in alle ay kabaryaan nabad iyo barwaaqo isna cafiyaan.


Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa dhankiisa guud ahaan shacabka Soomliyeed gaar, ahaan ciidamada qalabka sida ee xooga Dalka waxa uu u sheegay in uu kala qeyb qaadanayo damaashadka munaasabada ciida maadama ciidamada xooga ay diyaar u yihiin in nafsatooda ay u huraan difaaca Dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ciidan lakowsaday jawi cusub oo kabadalan kuu hore maadaama Dalka uu ka dhacay isbadal dhanka hogaanka ah oo Dowlada ay masuulkayihiin waji ku cusub shacabka Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698