Wararka naga soo gaaraya Jamaame ayaa sheegaya in haweeney lagu fuliyey xukun qisaas ah oo dhagax lagu dilay.
Maxkamada Xarakada Alshabaab Deegaanka Jamaame ayaa lagu eedeeyey haweeneyda inay samaysay Zineesatay waxaana ninkii ay ka zineesatay lagu dhuftay 100 karbaash ninkaasoo la sheegay in aanu horay u soo guursan.
Masuuliyiin iyo Dadka deegaanka Jamaame ayaa ka qeybgalay fagaaraha haweeneydaasi dhagax lagu dilay.
Saraakiisha Xarakada Alshabaab ee ka qeyb galay fagaaraha dilka haweeneydaasi ka dhacay ayaa uga digay dadka shacabka ah inay ku kacaan waxyaabaha ka hor’imaan kara Shareecada Diinta Islaamka.
Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay xarakada Alshabaab xukun dil qisaas ah iyo dhagax ka fuliyaan gobolada ay maamulaan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com