Siyaasi Caan ah oo sheegay in Faroole uu ka mid yahay dadka hortaagan Horumarka dalka Soomaaliya.
Soomaalinews.com 25 Oct 12, 11:48

Siyaasiga prof: Siciid Samatar oo ka mdi ah Siyaasiyiinta soomaalida ee ka hadla arrimaha Siyaasada dalka ayaa ka hadlay is badalka uu galay dalka Soomaaliya isagoona ugu baaqay dowladda cusub arrin qodob xasaasi ah.

Siyaasigan oo si weyn loogu yaqaan falanqeynta Siyaasada Soomaalida ayaa ka hadlay arrimo fara badan wuxuuna weerar dhinaca afka ah ku qaaday Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole iyo Xarakada Alshabaab ee dagaalka kula jirta Ciidamada Shisheeye iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Prof: Siciid Samatar ayaa hadalkan ka sheegay warsi uu siiyey laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da in Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole uu ka mid yahay dadka hortaagan Horumarka dalka, isagoo ugu baaqay madaxda dowladda cusub inay ka feejignaadaan.

Sidoo kale Siyaasigu waxa uu sheegay in Maamulka Puntland hogaankeeda iyo xarakada Alshabaab labaduba inay yihiin dadka hortaagan Horumarka dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu danbeyntii Prof:-ka Madaxda dowladda Cusub ee soomaaliya wuxuu ugu baaqay inay iska ilaaliso Faroole iyo Xarakada alshabaab si looga mira dhaliyo rajada aadka u yar ee dalka haddii kale wuxuu tilmaamay inaysan dhaafi doonin halkii ay dhaafi waayeen dowladdihii KMG ahaa ka horeeyey.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698